Madaxweyne Farmaajo oo Goordhaw Gaaray Magaalada Qardho

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxamed Farmaajo ayaa Goordhaw gaaray Magaalada Qardho ee ka tirsan Degaanada uu ka Arrimiyo Maamulka Puntland.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa soo dhaweeyay Waxgaradka Degmada Qardho iyo Maamulka Degmada iyo qeybaha kale ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Qardho.

Amaanka Magaalada Qardho ayaa si aad loo adkeeyay iyadoo Ciidama Maamulka Puntland la soo dhoobay Waddooyinka Waa weyn ee Magaalada Qardho.

sidoo kale Wafdiga uu Hogaaminayo Madaxweynaha ayaa waxa ku jiro Wasiiro Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.