Madaxweyne Farmaajo oo Maanta ku Wajahan Magaalada Qardho

Madaxweynaha JFS Maxamed C/Laahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta ku Wajahan Magaalada Qardho ee Degaanada Maamul Goboledka Puntland.

Ueedka Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdiisa ayaa waxa lagu sheegay in ay ku qotonto Nabadda iyo dib u heshiisiinta ayaa Magaalada Qardho kula kulmaya qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu ugu dhiirageliyo in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Amaanka Magaalada Qardho ee Gobolka Bari ayaa aad loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka Waa weyn ee Magaalada lagu arkaya Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo Waddooyinka buuxa.

Dhanka kale Shacabka Magaalada Qardho ayaa iskugu soo baxay Waddooyinka Waa weyn ee Magaalada kuwaas oo ka qeyb qaadan doona soo dhaweeynta Madaxweynaha iyo Wafdiisa,waxaana Waddooyinka Magaalada lagu Xiray Calanka Buluuga ee Soomaaliya iyo kan Maamul Goboledka Puntland.