Guddoomiyaha G/Nugaal oo sheegay in laga laabtay Xayiraad horay loo soo Rogay

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa waxa ay shegayaan in Maamulka Puntland uu dib u Fasaxay Xiyarad uu horay ugu soo Rogay Gaadiidka Isaga kala Gooshii jiray Puntland iyo Soomaaliland.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa Shaaciyay in Xayiradii ay sareen Gadiidka ay dib u fasaxeyn,waxa uuna tilmaamay in Wixi hadda ka bilaawda ay isku socodka Gadiidka labada Maamul ee Soomaaliland iyo Puntland ay sidii hore sii ahaan donaan.

Dhanka kale Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Puntland ENG:C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa sheegay in ka xumaaday Xayiradii la saaray Gadiidka,islamarkana waxa uu tilmaamay in Guddoomiyaha Gobolka Nugaal uusan horay kala tashan Madaxda uGu sareysa Maamulka Puntland.

sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne, ayaa markale Idaacadda ka howlgala Degaanada Puntland u sheegay in laga laabtay Hadalkii Xalay ka soo baxay ee ahaa in Xayiraad lagu soo rogay Gadiidka isaga kal gooshi jiray Degaanka ay kala Maamulaan Puntland iyo Soomaaliland.