Xubno ka tirsan M/Hir-shabeelle oo isku Khilaafay Sideeyntii Wariye C/Shakuur Shashaa

Xubno ka tirsan Maamulka Hir_Shabeelle ayaa isku Khilaafay Talaabadii Xabsiga looga sii daayay Wariye C/shakuur Shashaa,sida ay inoo Xaqiijiyeen Ila Wareedyo ku sugan Madaxtooyada Maamulka Hir_Shabeelle.

Wariye C/Shakuur Shashaa ayaa waxa Amar ka soo baxay Madaxtooyada Maamulka Hir-shabeelle lagu xiray 28 Bishii December ee Sanadkii 2017,kadib markii Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-shabeelle ay ku edeyeen in uu Musuq Maasuqay lacag Gar gaar ah oo loo Uruuiyay Dadkii ay waxyeelada Xogaaneed ka soo gaartay Qaraxii 14 October ee ka dhacay Isgooyska Zoobe oo hadda loogu Magac daray 14 Octobar.

Wariye C/Shakuur Shaa_shaa ayaa Gelinkii Dambe ee Shalay laga sii daayay Xabsi ku yaala Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.