Dhageyso:-Ciidamo hor leh oo la geeyay Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay

Guddoomiayah Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay,Maxamed Ibraahim Nuur oo Wareysi gaar ah siiyay Barnaamijka Guuxa Wararka ee Idacadda Danan ee Magaalada Muqdisho,ayaa sheegay in ku dhawaad 600 oo Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya ay Gelinkii Dambe ee Maanta ay gareen Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Ujeedka Ciidamada loo geeyay Degmada Buur-hakaba ay tahay sidii ay uGu qeyb qaadan lahayeen Howlgalada loogu gon leeyhayay in laisku furo Wadada u dhaxeya Degmada Buur-hakaba iyo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay,halkaas oo inta badan ay Al-Shabaab ay ku dhumalaastaan,islamarkaana ay Mararka qaar ay jidka u galaan Ciidanka Dowlada iyo Mas’uuliyiinta kale ee ka tirsan Maamulka Konfur Galbeed ee halkaas ku Safra.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan