Ciidamo ku Geeriyooday Iska hor imaad ka dhacay Degmo ka tirsan G/Shabeellaha Dhexe

inta la xaqiijiyay ilaa iyo Saddax Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowlada ayaa ku Geeriyooday iska hor imaaday Maanta ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa Yimid ka gadaal Markii Ciidamada ay isku qabsadeen Lacag ay ka qateen Ganacsatada Qaadka Keenta Degmada Mahadaay,ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhanka kale Wararka ayaa waxa ay shegayaan in Ciidanka ay ku wadaheshiin waayeen qaabka ay u qaybsanayaan lacagta laga qaaday Ganacsatada qaadka, waxaana taasi ay keentay in Ciidamada dhexdooda ay Dagaalamaan.

Sidoo kale Wararka waxa ay tilmaamayan in Saddex askari inay halkaasi ku Geeriyootay, sidoo kalena ay jiraan khasaare dhaawacyo ah oo soo gaaray ciidamada.

Iyadoo Markii dambe ay soo kala dhex galeen Ciidamo kale oo ka tirsan Dowlada kuwaas oo markii dambe ku Guleeystay in Dagaalka Joojiyaan.

wali kama aysan hadlin Maamulka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe dhacdaan.