Hogaamiyaha Gaas oo Shir Deg Deg ah iskugu yeeray Saraakiisha Ciidamada iyo Mas’uuliyiinta kale ee Puntland

Waraka iga soo gaaraya Magaalada Garoowe ayaa waxa ay shegayaan in Madaxtooyada Puntland ee Garoowe uu Shir Deg Deg ah iskugu yeeray Hogaamiyaha Puntland,Saraakisha Ciidamada iyo Mas’uuliyiinta kale ee ka Tirsan Puntland.

Ujeedka Shirka ayaa waxa lagu sheegay in ay tahay Dagaalada ka soo Cusboonaaday Deegaano ka tirsan gobolka Sool , waxaana Hogaamiyaha uu si qoto dheer uga hadlayaa xiisadaha u dhaxeeya Ciidamada #Puntland iyo Soomaaliland oo hada isku hor fadhiya deegaano hoostaga Magaalada Garoowe.

Hogaamiyaha Gaas ayaa ku dhawaaqi doona sida ay Wararka sheegayaan Xaalad oo Deg Deg ah,waxaana lasoo sheegaya in Ciidamada Puntland oo uu hore u hor taagnaa isagu ay hada Dagaal baahsan ku qaadi doonaan Ciidamada Soomaaliland.

Wixi ku soo kordho kala soco radiodanan.net