Dhageyso:-Shil Gaari oo Khasaaro geystay oo ka dhacay Degmada Hodan

Inta la xaqiijiyay 3 Ruux ayaa ku dhaawantay Shil Gaari oo ka dhacay Wadada Taleex ee Degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Shilkan Gaari ah ayaa waxa uu yimid ka gadaal Markii Gaari Caasi ah oo si Xoowli ah ku socday uu ku dhacay Gaari kale oo Bii’al ah.

Mid ka mid ah Dadka Rakaabka ah ee Gaariga Saarna ayaa waxa uu Danan u sheegay in Labada Gaari ee isku dhacday ay ahayeen Gawaarida Dadweynaha,islamarkaana ilaa iyo 3 Ruux ay ku dhawacmeen kuwaas oo intooda badan ahaa Rakaabka Gaariga saarna ,waxa uuna tilmaamay in Mid ka mid ah Dadka Dhawaaca soo gaaray ay tahay mid Qatar ah,halka ku kalana ay yihiin kuwa Fudud,waxana uuna Carabka ku dhufaty in dhawacooda loo qaaday Isbitaalka ku yaala Magaalada Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan[audio