Dhageyso:-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xafiis Ka Furaneysa Gaalkacyo.

Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Kowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo ka mid ah Wafdiga uu Hogaminayo Taliyaha Ciidmada xooga Dalka oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, ayaa waxa uu sheegay in ugu horeeyn uu u Mahad celinayo Ciidama Xoogga Dalka ee ka Howlgal Magaalada Gaalkacyo Shaqada adag ay u hayaan Bulshada,ayaga oo aan helin Xuquuqaadkii aan la hayeen,waxa uuna Tilmaamay in ku rajo weyn yihiin in Ciidamada Xasilinta dhexdooda laga sameyn doono Maxkamad sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Waxa uu Hoosta ka xariiqay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Kowaad Xasan Cali Nuur Shuute in Magaalada Gaalkacyo ay ujeedka ay yimadan ay tahay in in laga hergiliyo xafiiska Maxkamada Ciidamda qalabka  sida si ay ula shaqeyso ururka dhawaan laga hirgalinayo Magaalad Gaalgacyo iyo Sidoo kale Ciidamada Xasilinta ee lageeyay Magaaladaas.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan