Home / WARARKA / Daawo:-Juxa Wadanka Hal Koox ama Hal Shaqsi Ma maamuli karo

Daawo:-Juxa Wadanka Hal Koox ama Hal Shaqsi Ma maamuli karo

Munaasabad ay Xilalka ku kala wareegayeen Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaraddas ayaa waxa lagu qabtay Maanta Magaalada Muqdisho.

Khudbad uu Goobta Xil Wareejinta ka jeediyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha C/Faarax Saciid Juxa, ayaa waxa uu kaga hadlay Xalaadda Siyaasadeed ee Dalka ka jira,waxa uuna tilmaamay in Xiligaan aan wadanka lagu Aamini Karin hal Koox si ay Siyaasadda Dalka u Maamusho.

Dhanka kale waxa uu Hoosta ka xariiqay in Shacabka Soomaaliyeed ay qabaan dhibatooyin kala duwan ,islamarkaana Dalka dhaqaale ahaan uu sabool yahay,sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale C/Faarax Saciid Juxa oo sii hadlayay ayaa Xusay in Xiliga Dalka uu Maamuli Karin Hal Koox iyo Hal Shaqsi,islamarkaana waxa uu Carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in dood Siyaasadeed oo dhab ah laga yeesho Xaaladaha jira, iyadoo aan la eegin dan shaqsiyeed ama dan kooxeed.

Hoos ka Daawo Muqaalka

Riix Halkan