Home / WARARKA / Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo la Kulmaya qaar ka mid ah Bulshada ku dhaqan Degaanada Puntland

Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo la Kulmaya qaar ka mid ah Bulshada ku dhaqan Degaanada Puntland

07-Bisha janaayo oo shalay ku beegneed waxaa magaalada muqdisho ka baxay wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliya Maxamed C/laahi farmaajo ,waxaana magaalada Garowe ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin uu ku jiray hogaamiyaha M/mulka Puntland C/wali Maxamed Cali {Gaas}.

Socdaalka madaxda dowlada ee garowe ayaa qaadan doono mudo maalmaha waxayana xalay ku hoyden gudaha magaalada iyadoo amaanka magaalada lagu soo waramayo in si weyn loo adkeeyay.

Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in inta ay joogaan magaalada garowe ay kulamo gooni gooni ah ay la qaadan doonaan odayaasha dhaqanka iyo ardayda wax ka abrta jaamacadaha iyo iskullada waxa uuna xusay in ujeedka madaxda uu yahay sidii ay usoo aruurin lahaayeen aragtida dadweynaha islamarkaana ay iyugu ku kabi lahaayeen Wixii kale oo ay shacabka ku taageeri lahaayeen.
Waa safarkii ugu horeeyay ee uu madaxweyne farmaajo ku tago magaalada Garowe Ee caasimada Maamulka Puntland.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan