Antonio Conte Oo Si Xun ugu Jawaabay Jose Mourinho Wuxuuna Ku Tilmamay Mida Xanuun Dhinaca Maskaxda Ah Qaba

Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa weerar culus ku qaaday dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho wuxuuna Conte sheegay in Jose Mourinho uu qabo xanuun dadka maskaxda kaga dhaca oo ilawsiiya wixii ay soo sameeyeen waqtigii hore wuxuuna Conte hadalkan ugu jawaabay Mourinho oo Klopp iyo Conte ku tilmaamay kuwo doqomiin ah waxyaabaha ay ka sameeyaan goobta farsamada tababarayaasha.

Dhinaca kale Antonio Conte ayaa u jawaabay Arsene Wenger wuxuuan sidoo kale xaqiijiyay in David Luiz uu diyaar u yahay inuu kasoo muuqdo kulanka bari ay kula ciyaari doonaan kooxda Norwich City wareega semi-finalka ee koobka FA Cup

Antonio Conte ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday kaga war bixiyay David Luiz wuxuuna yidhi; “David Luiz wuxuu diyaar u yahay inuu kasoo muuqdo kulanka bari ee Norwich City, marka aad ciyaareyso saddex maalin kadib kulan kadib maalmaha ciida gaaleed ee Christmas-ka, waxaa hubaal ah in la sameeyo isbadalo dhanka ciyaartoyda ku aadan”.

Macalinka reer talyaani ayaa wuxuu sidoo kale ka jawaab celiyay hadalkii Arsene Wenger iyo tusaalihii uu u soo qaatay Jack Wilshere wuxuuna yidhi: “Waa wax cajiib ah sababtoo ah anigu ma aanan caadeysan ka hadlida macalimiinta kale, taas waa xushmada mar walba loo baahan yahay inaad isku daydo inaad raacdo, tusaale ahaan Wenger wuxuu ilaawaa in kulamadii ugu dambeeyay ee Arsenal iyo Chelsea ay ku dhameysan jireen 10 ciyaaryahan”.

Antonio Conte ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray: “Hadii aan doonayo waxaan ka hadli karaa go’aamada garsoorka bisha oo dhan, balse ma doonayo inaan sidaas sameeyo, sababtoo ah waa inaan ixtiraam u muujinaa go’aamada garsoorka, laakiin Wenger sidaas ma sameeyo xiligan la joogo, waxaana muhiim ah inuu ixtiraamo go’aamada ka yimaada garsoorka”.