Man United Oo Gurigeda Ku Badisay derby Waxayna Gaartay Wareega Afraad Ee FA Cupka U Soo Baxday

Manchester United ayaa guul ay ku daahday Old Trafford kaga gaadhay kooxda Derby ee heerka labaad ka ciyaarta waxaana markale gool cajiib ah kulankan ka dhaliyay Jesse Lingard kaas oo sii wata horumarka layaabka leh ee uu xili ciyaareedkan samaynayo halka goolka labaad uu Lukaku dhaliyay isla dhamaadkii ciyaarta.

Manchester United ayaa ku rafaaday in ay jabiso difaaca kooxda Derby laakiin Lingard ayaa dilaaciyay dabarkii aadkaa ee isku hayay Derby si uu u dhaliyay goolka ay Red Devils ku neefsatay waxayna guushani Man United ka caawisay in ay u soo baxdo wareega afraad ee FA Cupka.

MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): Romero; Lindelof, Smalling, Blind, Shaw; Herrera, Pogba; Mata, Lingard, Mkhitaryan; Rashford.
KADYKA: Rojo, Lukaku, Martial, Fellaini, Darmian, McTominay, Pereira.

DERBY (4-2-3-1): Carson; Wisdom, Keogh, Pearce, Olsson; Thorne, Huddlestone; Weimann, Lawrence, Russell; Winnall.
KAYDKA: Martin, Baird, Bennett, Vydra, Hanson, Nugent, Mitchell.

DAQIIQADII 21 AAD Juan Mata ayaa kubbad laaga xorta ah ku wareejiyay goolka Derby laakiin goolhayahooda Carson ayaa si fiican kubbada u badbaadiyay si uu halista kooxdiisa uga ilaaliyo. Man United ayaa dadaalo badan samaynaysay si goolka furitaanka u keensato.

Laakiin kooxda Derby ee rajaynaysa in ay xili ciyaareedka soo socda u soo dalacdo horyaalka Premier League ayaa iska caabin wayn kala hortimid Man United waxayna Red Devils ku dhibtoonaysay qabkii ay goolka furitaanka ku heli lahayd.

DAQIIQADII 35 AAD BIRTA GOOLKA! Man United ayaa kubbad koorne ahayd si gaabanu ciyaartay waxaana kubbad halis ah soo karoosay Mkhitaryan iyada oo Marcus Rashford uu cidlo ka helay kubbada laakiin darbo uu madaxa ku tuuray oo filayay in ay gool noqon doonto ayuu arkay in ay birtu ka beenisay waxayn ahayad fursad wayn oo United goolka ku heli kartay.

Qaybtii hore ee ciyaarta Man United ayaa samaysay 4 bartilmaameed oo goolka ah halka kooxda martida loo ahaa ee Derby ay hal bartilmaameed oo kaliya ay ku beegsatay goolka Man United laakiin haddna qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Mourinho ayaa kaydka uga yeedhay Romelu Lukaku wuxuuna ciyaarta ka saaray Mkhitaryan laakiin isbadalka uu Mourinho sameeyay ayaan noqon mid ciyaarta wax markiiba ka badlay waxayna labada kooxood markale u muuqdeen kuwo aan lahayn awoodii gool dhalineed.

DAQIIQADII 71 AAD Marcus Rashfrod ayaa markale birta u garaacay Derby isaga oo nasiib xidiga ree England uu markale noqday mid aan fiicnayn wuxuuna markale lumiyay fursada uu kooxdiisa ugu dhalin kari lahaa goolka ay sida wayn ugu baahnayd.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay Manchester United guul xili danbe ku qaadatay ay Old Trafford kaga gaadhay kooxda heerka labaad ee Derby.