Home / WARARKA / Dhageyso:-Talaabo ay qaaday Dowlada Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

Dhageyso:-Talaabo ay qaaday Dowlada Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

Xili Saakay Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Xilalkii looga qaaday saddax Wasiir iyadoona Xilalkii laga qaaday Kuwo kale loo Magaacaabay,ayaa waxa soo baxaya Wararka kala duwan oo Mas’uuliyiinta Xilalkaasi loo Magaacabay lagu taageerayo.

Siyaasi Axmed Salaad Aw Aadan oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay Barnaamijka Guuxa Wararka ee Radio Danan, aayaa sheegay in wax ku cusub aysan aheyn in Xilalka laga qaado Wasiiro kuwo kalana loo Magaacabo,waxa uuna tilmaamay in Hadda Mas’uuliyiinta Xilalka Wasiiradda loo Magaacabay ay ka soo bixi donaan shaqada loo idmaday sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Siyaasiga waxa uu tilmaamay in uu soo dhaweynayo Xilalka Wasiirada Cusub ee uu Magaacabay Ra’iisul Wasaare Kheyre,waxa uuna hoosta ka xariiqay in Xilka qaadista ay tahay mid loo bahanaa,islamarkaana aritaan at tahay mid siyaasada ka mid ah.

Siyaasi Axmed Salaad oo hadalkiisa siiwata ayaa tibaaxay in Muhiim ay tahay in Dowlada Marwalba looga baahan yahay in ka shaqeyso sidii Shacabka Soomaaliyeed ay hor u gaarsiin laheyd.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan