Home / WARARKA / Deg Deg:-Kooxo hubeysan oo Caawa Muqdisho ku toogatay Cali nuur Shuute

Deg Deg:-Kooxo hubeysan oo Caawa Muqdisho ku toogatay Cali nuur Shuute

Wararka anu ka heleyno Degmada Dharkeynley gaar ahaan xaafada Suuq-boocle ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa Dabley hubeysan ay gurigiisa ay ku dileen Cali Nuur Shuute oo ahaa Aabaha dhalay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute.

Sidoo kale Koox ku hubeysneyd Bastoolado ayaa Cali Nuur gurigiisa ugu galay, kadib waxa ay ku dhextoogteen Gurigiisa, sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah Dadka Degaanka oo la hadlay Danan.

Ciidamo ka tirsan Dowlada ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka soo qaadeen Meydka Marxuumka,iyadoo Warara qaar ay tilmaamayaan in Baaritaano ay halkaas ka socdaan.

Maamulka Degmada Dharkenley oo aan Xiriiro aan la sameynay kama aysan waabin Taleefoonadeena si aan arimahaasi wax uGu weydiino.

wixi ku soo kordho kala soco radiodanan.net