Home / QORMOOYIN / Dhageyso:-SOOMAALAAY MA IS WEYDIISEEN CIDDA AAD TIHIIN IYO DALKA AAD KU NOOSHIHIIN ? (Faalo)

Dhageyso:-SOOMAALAAY MA IS WEYDIISEEN CIDDA AAD TIHIIN IYO DALKA AAD KU NOOSHIHIIN ? (Faalo)

Mararka qaar waxa aan is weydiiyaa aniga waxan ahay, Dalka aan ku Noolahay, Bulshada aan la dhaqmo iyo Sharciga Dalka u yaalla,waxana is dhahaa amaadan ku Noleyn Waddan ay Daganyihiin Bulsho hal Luuqad kuwada hadasha haddana wada aaminsan hal diin, inkastoo haddana aysan ii muuqan ifafaalo cad oo aan kala mid nahay Wadamada Ku yaalla qaaradda tan ee aan ka tirsannahay ee Afrika.

Waddan kasta oo Dunida aan ku Nool nahay ku yaalla waxa uu leeyahay Dowlad u taagan mar walbo in ay ka shaqeyso in Dadka ay hoggaanka u heyso ay wax u qabato,haddana Dowladahaasi waxa ay lee yihiin Muraacad aan Dalkooda u rabin in ay dhibaato u horsedaan,waxaana Siyaasiyiintasi Mucaaradka ah ay Dowlahooda ay tusiyaan waxyabaha ka qaldan,iyagoo eegaya Shacabkooda,islamarkaana ka talinayaa in wax dhib ah aysan soo gaarin.

Soomaaliya 27 sano oo ay Bur bur iyo Dagaalo sokeeye ay ku soo jirtay , hadda yeelatay Dowlada doneysa in Shacabkeeda ay hormar garsiiso,iyadoo taas ay jirto ayaa Siyaasiyiin ku gambanaya qaab qabiil ayaa waxa ay donayaan in qalalaaso ka dhex aburaan Dowladda, Siyaasiyiintaasi oo Mar walbo iyaga oo u shaqeynayaa Dano Siyaasadeed ay Dowlada kala soo horjestaan waxyabo Dalka qalalaaso ka abuuri kara.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed inta badan waa kuwo Danahooda yahay in Dalka uu ku laabto sidii Sanadihii aan soo dhaafay,taas oo ay kaga danlee yihiin in Lacagta ay qadanayaan ay uga sii socoto halkeeda,laakin isma weydiyaan Cida dhabaatada ay ku hayaan in ay yihiin Shacab u badan maato oo u baahan in ay helaan Dowlad ay ku diirsadaan Madama Mudo badan ay la soo daala dhacayeen Abaaro iyo Dagaalo waji badan leh oo Dalka Soo maray.

Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa in ay tahay wadan Qaniga ah oo ku yaala Qaarada Afirka,laakin Dadka ku Nool aysan aqoonin sida wax looga faaideysto,waxaana Dad badan oo ku Nool Caalamka ay is weydiyaan Soomaalida maxey u arki la,yihiin Barwaqada ay heystaan oo ay ugu doorbideen in Wadamo Shisheeye ay kaalmo weydistaan.

Dal walbo oo Koonkaan aan ku Noolnahay ku yaala waxa dhisa Dadkiisa, Soomaalida marna ma firiyaan Dalka ay Nool yihiin waxyabaha ka taagan,waxaana Siyaasi walbo hadduu doono haku jire Dowlada uu ku faana in uu heysto Dhalasho Dal kale,islamarkaana aysan waxba ka galin Dalka uu joogo,waxaana uu marwalbo uu ka hadlayo Siyaasadiisa uu ku faanaa in wadan ka tirsan Caalamka uu wax ku soo bartay.

Soomaalida isma weydiyaan Wadanka ay ku fanayaan in ay dhisteen Dad aan garaad iyo Aqli aan dheereen,laakin ku dadaalay sidii ay wadankooda ku hormarin la,hayeen madama ay ka mid yihiin Wadan ku yaala Caalamka oo leh Calan iyo Astaamo u gaar ah Dalkaasi.
Inta badan Soomaalida waxa ay ka fikiraan sidii ay hormar ku gaari laheyeen, isma weydiiyaan Dalka ay ku Nool yihiin Xaaladda uu ku jiro,iyo sida looga saari karo.

Soomaalida waqtiyadii hore waxa ay ahayeen kuwa tusaale ka qaata Wadamada ku yaala Caalamka,waxa ay ku dadaali jireen in mar uun ay noqdaan Dalka si weyn loogu daydo,inkasto mar Dalka Soomaaliya uu noqday Wadan ay ka Cabsadaan qaar ka mid ah Wadamada Jaarka la ah Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay lee dahay Cadoow soo jireen ah oo marwalbo ka shaqeeya sidii Soomaaliya marnaba aysan u yeelan laheyn Dowlada Awood leh,kuwaa oo ka baqaya in Faaidada ka sso galeeysa Dalka Soomaaliya ay ka baabi’in,waxaana Dalalkaasi ay u aadeegsadaan Dad isku sheegaya in ay yihiin Siyaasiyiin wax Mucaaradda laakin u shaqeeya Wadamada Cadowga iyo hagar daamada ku hayaan Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Badana Soomaalida waxa Dalalka Shisheeye ay u maleyeen in Noolasha taala ay ka duwan tahay tan hadda ay ku Nool yihiin,laakin isma weydiyaan Wadanka ay u ordayaan dhibaatada ay kala kulmi karaan,madama qof walbo oo Soomaali ah uu ku haminayo in mar uun uu helo Dhalasho Dalka kale,isagoona Niyadiisa ku jirta dhibaatada ku heysta wad ka baxe,laakinse ma oga Wadanka uu ku Nool yahay ee dhalasho ahaan uu ka soo jeedo in uu yahay Wadan Qani ah oo Illah ku Maneystay Barwaaqo.

Ugu Dambeyntii Soomaalaay mais weydiiseen waxa aad tihiin iyo Dalka aad ku Nooshihiin sida aad hormarkiisa ugu shaqeyn laheydeen,Ogaada Soomaaliyeey Cidna Idinma maqna.

W/Q/Maxamed Axmed Mursal (Sacuudi)
sacuudi2016@gmail.com

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan