Home / WARARKA / Faah Faahin ka soo baxaysa Dilal Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah Faahin ka soo baxaysa Dilal Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa Caawa Degmada Waaberi lagu dilay Col: Maxamed Xasan oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka oo ku sugnaa Hoygiisa oo ku yaala degmada Waaberi ee Gobolka Bnaaadir.

Dablay ku hubaysnaa Bastoolado ayaa waxaa la sheegay in Sarkaalka ay Daaqada Gurigiisa Xabad ugu dusiyeen ka dibna uu soo gaaray dhaawac Culus oo xaga Madaxa iyo labada garab dhexdooda ah.

Sarkaalka ayaa waxaa dhaawaciisa la dhigay Cisbtaalka Daarul-Shifa ee Magaalada Muqdisho ka dibna uu u geeriyooday Dhaawacii soo gaaray.

Dhanka kale Xaafadda Mac Macaanka ee Degmada Dharkenley ayaa Caawa waxa sidoo kale lagu Dilay Haweeney ilaa iyo hadda aan la ogeyn waxa at tahay,iyadoo Ragii Dilka Geystay ay Goobta Baxsadeen.

Sidoo kale Ciidamada ayaa siyaabo kal duwan Caawa waxa ay Howlgal kaga sameyeen Xaafadaha ay Dilalka ka kala dhaceen,iyadoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn in Cida Ay u soo qabteen Ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya.

wixi ku soo kordho kala soco radiodanan.net