Home / QORMOOYIN / Dhageyso:-MA MUUQATAA IN IMAARAADKU MEEL KA DHAC KU SAMEEYAY DIPOLUMAASIYADA ?(Faalo)

Dhageyso:-MA MUUQATAA IN IMAARAADKU MEEL KA DHAC KU SAMEEYAY DIPOLUMAASIYADA ?(Faalo)

Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Dal Xor ah. Oo Qaranimadiisu laga aqoonsan yahay Hay’adda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay oo ay Xubin buuxda ka tahay taasoo aan marnaba la shaki galin Karin Doorkeeda Dawladsnimo murana uusan ka taagnayn.

Soomaaliya waxay kaloo Xubin buuxda ka tahay Ururu kale sida kan Midowga Afrika, Jaamicadda Carabta, Islaamka iyo Urur Goboleedka IGAD oo dalalka Mandiqadda Geeska Afrika ay ku midaysan yihiin iyadoo waliba Ururaradaas qaar wax ka aas aastay marna hoggaanka u soo qabatay.

Sanadkii 1974kii ayay Soomaaliya ku biirtay Ururka Waddamada Carbeed si rasmi ahna Calanka Soomaaliya looga taagay Xaruntii Ururka Jaamicatul Cara bee Berigaas iyo Magaalada Qaahira ee Dalka Masar, waxaana ka mid ah Xeerarka uu ku dhisan yahay Ururkaas in dal walba oo xubin ka ah Uururka uu ixtiraamo Dalka kale oo ay Xubinimadu isla yihiin in leyska kaashado Djinacyada Siyaasada Dhaqaalaha Militeriga Iyo Arimaha kale Ee Bulshada.

Xeerkaas dib lumaasiyadeed ee uyaala Jaamacada Carabta waxaa ka mid ah in dalna uu faragelin Dal kale ee Ururka ka tirsan islamarkaana Wixii Khilaafaad siyaasadeed ah ee soo kala dhaxgala Dalalka Xubnaha ka ah in si xeerka waafaqsan loo xaliyo qilaafka jira .

Sida aan wada ognahay sanadkii 1977-kii soomaaliya waxay dagaal milirati lagashay Xukuumaddii itoobiya ee Xiligaasi Jirtay dagaaalkaasoo ahaaa mid ah ka qeyb qaateen qaar ka mid ah Dalalkii bariaasi ka tirsanaa gaashaan buurtii waarso oo ay majaraha uhaysay Xukuumadii bur burtay ee Midowgii Suufeyti Xiligaas oo dalal ka tirsan Jaamacada Carabta ay dhankooda dagaalka ka soo galeen iyagoo la safan Isbaheysigii waarso kana safan soomaaliya oo xubin buuxda ka aheyd ururkaas.

Waxaan marnaba la ilaabi Karin qaar ka miod ah dadlka Carabta oo tageero aan buurneyn siiyay soomaaliya dalalkaasi oo ay ka mid ahaayeen Xukuumadii barigaasi jiray Ee Ciraaq iyo Masar Waloo aan la dhihi Karin taageeradu waxa ay aheyd Tii loo baahnaa hadana waxa ay7 aheyd mid ay ku muujinayeen Walaanimada Iyo Jaceelka ay uqabaan umadda soomaaliyeed.

Dhaliisha soomaaliya ay dhaliishantahay Ururka Jaamacada Carabta waxay aheyd mid isa soo daba taal maxaa yeelay taageerada Ururkaas ayaa waxa ay aheyd mid aan dibnaha dhaaf siisneenoo afka baarkiisa ah siiba inta dalka soomaaliya uu ku jirray xaaladii Bur burka aheyd oo shirar dhor ah oo ay qabteen ururka jaamaca Carabta iyo kan dowladaha islaamka ay ku yabooheen in soomaaaliya ay ugu deeqanaayn aduun balaayiin gaaraya in kastoo heshiisuyadaas iyo haboohaas la saxiixay ay noqdeen kuwa aan soo Dhaafin miiskii looga wada hadlay ama lagu saxiixay taasina waxa ay na xasuusineysaa Xikmadii laga wariyay Allaha Unaxariistee Jamaal Cabdinaasir oo Yiray {CARI WY HESHIISAY WAXAYNA KU HESHIISAY INAYSAN WALIGEED HESHIININ} Taasina waxaa ka dhigan carab way balameen waxayna ku balameen inaaan soomaaliya waxba la tarin.

Intaasi oo gogol xaar ah marka aan hoos uga soo daadago gun dhiga qormadan ayaa waxa ay tahay xukuumadda imaaraadka oo ka mid ah dowladaha dhaca Khliifjka oo maatya noqotay far soo taagan ka gadaal markii si toos ah iyo si dadbanba ay dhax bootimaaleysay Siyaasada arimaha Gudaha ee soomaaliya oo shan farood iyo Calaacal ay la soo gashay .

Imaaraadka waxaan u heysanay dowlada carbeed oo islaam ah una soo gurmatay walaalaha soomaaliyeed ee carbeed ee dhibaadu ay la dagtay xiligii dowlad la aanta iyo xiligan dowlada aan taagta buuran laheyn ay ka jirto iyadoo sameysay Ficilo xad gudub ku ah diblumaasiyada .

Imaaraadku waxay Muqdisho ka her geliyeen Xaruun lagu Tababaro Ciidamo iyadu ay maalgashato kuna abuurto xaalad xasilooni daro ah iyadoo ciidamadaasi u adeegsaneyno falal dil Caburin iyo caga julen ku sameynaya Muwaadiniin soomaaliyeed oo waxba galabsan.

Ciidamadan ka amar qaata imaaraadka ayaa magaalada Muqdisho ka geystay falal kala duwan oo amnidarudu ugu horeyso iyadoona mas uul ka ah weeraradii ugu dambeeyay mid ka mid ah Mas’uuliyiinta sare ee baarlamaanka soomaaliya sidoo kale ciidaman ay soo tababartay oo ku sugan qeybo ka mid ah magaalada muqdisho taro ku yaala ayaa waxay dadka ula tacaamulaan si ka baxsan bani aadannimadu iyadoo marna aan la dhooreen Xuquuda Muwaadina soomaaliyeed uu uleeyahay inuu meel walba oo dalkiisa kla mid ah si xuriyad leh ku maro .

Intaasi oo kaliya ma ahan Dhibaatada Imaaraadka uu ku hayo Umadda soomaaliyeed waxaa Xiligan magaalada dubay ku shirsan siyaasiyiin iyo Hogaamiye maamul Goboleed kuwaasoo danaha ay halkaasi ujoogan ay yihiin sidii loo dibin daabeyn lahaa Xukuumadda siyaasiyiinta soomaaliyeedna looga kala qeybin lahaa maxaa yeelay Xubnaha ka muuqda shirkaa ayaa waxa ay ubadanyihiin Kuwa aan marnaba ogleen hour marka iyo dowlad wanaaga soomaaliya .

Isku soo wada duuboo Xukuumadda imaaraadku waxay dani ugu jirtaa inay faraha kala baxdo arimaha soomaaliya oo walba hadaan wax natareyn ay naga daayaan qaska ay nagu hayaan maxaa yeelay soomaali waa soomaali mar hadey dhabta tagtana waxaa shaki gali doonaa dalkaasi yare e Jaziirada ku yaala laakin hooy intey goori goor tahay maad na deysaan nama taqaaniinee .

W/D Ustaaad Aadaan Macalin Cabdulaahi Aadaamoow
EmailAaadaamoow63@gmail.com

Hoos ka Dhageyso Faalo

Riix Halkan