Home / WARARKA / Kooxda Daacish oo sheegatay Weerarkii Xalay ka dhacay Degmada Afgooye

Kooxda Daacish oo sheegatay Weerarkii Xalay ka dhacay Degmada Afgooye

Kooxda iskeeda isug magacaawday is bahaysiga dowladda Islaamka ee loo yaqaano Daacish ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerar xalay kadhacay degamada Afogooye ee gobalka Shabellada Hoose.

Warn lagu qoray Wakaaladda Taabacsan kooxda Daacish taas oo lagu magacaabo Acmaaq ayaa lagu sheegay in Masuuliyadda weerarkaasi ay kadambeeyan koosda isku magacaawday isbahaysiga Islaamka ee ISIS.

Daacish ayaa sheegatay in dagaalyahano taabacsan ay weer ku qaadeen meel fariisimo u ahayd Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku taalla Degmada Afgooye oo 30 KM u jirta Magaallada Muqdisho ee Caasimadda Dalka islamarkaan ay ku dileen askari ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Tiro kalana ay dhaawac u geysteen kuwaas oo kusugnaa fariisimaha ay Daacish sheegatay in ay Weerareen.

Sidoo kale marka lagasootago Sheegashada kooxda Daacish ayaa waxaa xusid mudan in ay dhaqdhaqaaqa Alshabab ay horay usheegteen Mas’uuliyadda Weerarkii xalay kadhacay degmada Afgooye ee Gobalka Shabellada Hoose.

Hoos ka Daawo Daacish oo sheegatay Wakaaladda Acmaaq