Home / WARARKA / Dhageyso:-Ra”iisul Wasaare Kheyre oo ka soo yeeray hadal Cusub

Dhageyso:-Ra”iisul Wasaare Kheyre oo ka soo yeeray hadal Cusub

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay mar walbo ka ay ka shaqeyneyso sidii dalka looga hirgelin lahaa axsaab siyaasadeed.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadiisa ay ku dadaaleyso in ay dhameystirto dhismaha xisbiyada dalka 2018,islamarkaana at waxbadan is badal at ku sameeyn doono sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay ka shaqeynayaan sidii Dastuurka qabyada ah looga dhigi lahaa mid dhameystiran oo ay talo ku leeyihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay in 2020 ay Rajeynayaan in Xisbiyada Dalka ay ka tashadaan siyaasada iyo Hogaaminta Dalka sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan