Home / WARARKA / Warar Dheeraad ah oo ka soo baxaya weerar lagu qaaday Hoyga C/Raxmaan C/Shakuur

Warar Dheeraad ah oo ka soo baxaya weerar lagu qaaday Hoyga C/Raxmaan C/Shakuur

Waxaa Warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan weerar xalay lagu qaaday Hoyga Magaalada Muqdisho uu ka degan yahay Siyaasiga C/Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ku yaalla Degmada Wadajir, gaar ahaan meel ku dhaw Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sidoo kale Ciidamada dowladda ayaa beegsaday gurigaasi, saqdii dhexe ee xalay, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo illaalada guriga C/Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in weerarkaasi ay ku dhinteen ilaa iyo 5 askari oo ka mid ah illaalada guriga C/raxmaan C/Shakuur Warsame, kadib markii iska hor imaadka uu dhexmaray ciidamada dowladda ee weeraray hoyga C/Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Dhanka kale waxa la sheegay in Ciidamada Ammaanka ay Xireen C/Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo la sheegay in dhaawac uu soo Gaaray intii weerarka uu socday, inkastoo aan la ogeyn dhaawaca soo gaaray siyaasiga inta uu la eg yahay,iyadoo Wararka qaar anu helnay ay tilmaamayaan in uu dhaawaca ka soo gaaray Garabka Bidix sida Illo Wareedyo Dowlada ka tirsan anu inoo Xaqiijyeen.

Sidoo kale waxa aan si rasmi ah aan loo ogeyn Sababta ka dambeysa Weerarka Xalay lagu qaaday Hoyga C/Raxmaan Cabdi Shakuur Hoyga uu ka Dagan yahay Magaalada Muqdisho,iyadoo Xusid mudan tahay in Siyaasiga C/Raxmaan uu horay sidoo kale u soo noqday Musharax Madaxweyne,islamarkaana wararka qaar ay tilmaamayaan in waxyaabo ka soo horjeedo uu faraha kula jiray,inkastoo aan si rasmi ah aan loo ogeyn.