Home / WARARKA / Dhageyso:-Wasiir Marwo Khadiijo oo beenisay Warar soo baxayay

Dhageyso:-Wasiir Marwo Khadiijo oo beenisay Warar soo baxayay

Iyadoo Maanta ay soo baxayeen Warar sheegayay in Irada hore ee laga galo Garoonka Ciyaaraha ee Koonis ee ku yaala Magaalada Muqdisho laga helay Miinooyin, islamarkaana la sheegay in ay ku Guleeysteen Ciidamada Dowlada Federaalka in ay ka soo bixiyaan ayaa haddana waxaa soo baxayay warar sheegayay in arrimahaas ay been yihiin.

Wasiirka Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, oo la hadashay VOA-ad ayaa beenisay Wararka sheegaya in Miino laga soo saaray Irada laga galo Garoonka Ciyaaraha Koonis,ay ku sheegtay in arimahas ay keneen Dad donaya in ay Qalqal giliyaan Ciyaaraha sida habsimada leh kaga socda Garoonka Koonis.

Dhanka kale waxa ay Wasiir Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ay tilmaamay in Wararka sheegayay in qaar ka mid ah Taleefashinada Maxaliga ah ee la sheegayay in loo diiday in ay waxba ka jirin tahay taasi,islamarkaana waxa ay Carabka ku dhufatay in ayaga ay diideen,laakin waxa ay tibaaxday in hadda warqad Raali gilin ah ay u keneen ayna dib ugu soo laabteen,madama ay horay u wadashaqeyn jireen Wasaaradda Ciyaaraha iyo Taleefashinadaasi.

Sidoo kale Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa soo hadal qaaday in Ciyarahaan Maamul Goboledyada horay loo qaban jiray inta aysan dhicin Qaran Burburka,laakin hadda dib loo soo celiyay taasna ay ku Amaanan yihiin Bahda Isboortiga Soomaaliyeed arintaasi.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan