Maamulka G/Hiiraan oo ku dhawaaqay Howlgal ka dhan ah Al-shabaab kadib Weerarada Al-shabaab oo kordhay

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku dhaawaqay in Dagaalka ay kula jiraan Kooxda Al-Shabaab ay sii laba jibaari donaan waxa uuna Maamulka Gobolka Hiiran uu sheegay in ay diyariyeen Ciidamadii Howlgalka fulin lahaa.

Guddoomiye ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Hiiraan Xuseen Cismaan Muumin oo Warbaahinta kula hadlay Gudaha Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in Degaanada Gobolka Hiiraan ay ku dhuumaaleysanayaan Dagaalyahano ka soo goostay Al-Shabaab,islamarkaana ay dhibaato badan ay ku hayaan Shacabka ku dhaqan Deganadasi ayna wax ka qaban donaan haddii ay yihiin Maamulka Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale Guddoomiye Ku Xigeenka ayaa tilmaamay in aysan u dulqaadan doono shabaabka dhibaatooyinka at ka fuliyaan Degmooyinka Gobalka Hiiraan iyo Degaanada hoos yimaada,waxa uuna tibaaxay in ay ka hortagi donaan weerarada ay Al-shabaab ku qaadayaan Gawaarida Raashinka qaada si looga hortago dhibatada ay Shacabka kala kulmayaan Arintaasi

Si kastaba ha ahaate waxa Xusid mudan in ilaa shan Gaadiid oo Raashin u waday Ganacsato ay dhawaan weerar ku qadeen Kooxda Al-Shabaab iyadoona sidoo kale Maanta Gaari Raashin u waday Ganacsade Reer Hiiraan ay Al-Shabaab ay dab ku qabadsiyeen Gaarigaasi Deegaan Duleedka ka ah Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.