Home / WARARKA / Al-shabaab oo Gadiiid ku Gubay Gobolka Hiiraan

Al-shabaab oo Gadiiid ku Gubay Gobolka Hiiraan

Wararka aynu ka heleyo magaalada baladweyne Ee xaruunta Gobolka hiiraan ayaa sheegaya in xubno ka tirsan AL-Shabaab ay wada ugaleen Gaadiid urarnaa Ganacsato soomaaliyeed oo ka amba baxay Gudaha magaalada islamarkaana ku sii jeeday Gobolka Hiiraan
Qaar ka mid ah dadka ku nool Gobolka hiiraan iyo Xubno ka tirsan Maamulka ayaa sheegay in al-shabaab ay maanta barqadii dab qabad siiyeen tiro gaadiid ah oo xamuul siday.

Waxayna dadka sida hoos elana hadlay ay ku warameen in gaadiidka ay al-shabaab ku gubeen deegaanka lagu Magacaabo Maroodi dile Ee Gobolka Hiiraan gaadiidkaasi oo la sheegay in qaar ka mid ah ay ku sii jeedeen Gobolka Bakool oo inta ugu badan ay maamulaan shabaab.

Sidoo kale wararka ku saabsan gaadiidka raashinka siday ee lagu gubay deegaanka maroodidile Ee Gobolka hiiraan ayaa sheegaya in dhaawacyo halis ah uu soo gaaray wadayaashii gaaadiidkaasi iyo qaar ka mid ah ragii la socday oo lagu waramayo inay wajahayan Xaalo halis ah.

Lama oga sababta rasmiga ah Ee keentay inay al-shabaab beegsadaan oo ay wadada ugalaan gaadiid Xamuul ah oo uraran qaar ka mid ah.

Ganacsadata soomaaliyeed Ee ka shqeeya deegaanada hoostaga Gobolka Hiiraan,Waloo qaar ka mid ah saraakiisha iyo maamulka Magaalada iyo kan Gobolka hiiraan ay sheegeen in maalmaha soo socda ay qaadi doonaan talaabo lagu soo afjaro AL-Shabaab si leyskugu furo isku socodka dadka iyo kan gaadiidka oo hada aan wanaagsanee.