Home / WARARKA / Qorshaha 5-Sano ee soo socota Gudiga Madaxa banaan ee Doorshooyinka Qaran oo la soo bandhigay (Sawirro)

Qorshaha 5-Sano ee soo socota Gudiga Madaxa banaan ee Doorshooyinka Qaran oo la soo bandhigay (Sawirro)

Munaasabad lagu Daaf-furayay Qorsha Istaraatiijiyada Shanta Sano ee Soo socota ee ku aadan Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta oo Isniin ah lagu soo bandhigay Xarun ku taalo Garoonka Diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxa ka qeyb galay Hogaanka Xisbiyada Dalka ka Jira,Siyaasiyiin,iyo Xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Fedraalka,Wasiiro iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay Munaasabadaasi.

Sidoo kale Madasha ayaa waxa lagu soo bandhigay Keyd-Xogedka Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaran Istaraatijiyada 5-Sano ee soo aadan.

Dhanka kale Guddoomiyaha Xaliimo Yareey ayaa madasha kusoo bandhigeysa Qorsha howleedka ay soo diyaariyeen,waxana sidoo kale Xusid mudan in Gaba gabada Kulankaasi uu ka hadlay Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa uuna madash ka jeediyay ahmiyada Xukuumada ee fulinta qorshaha doorashooyinka la soo bandhigay iyo sida ay uGu qeyb qadan doonto.

Hoos ka Daawo Sawiradda