Home / WARARKA / Dhageyso:Ciidamo kawada tirsan Dowlada oo Muqdisho ku dagaalamay

Dhageyso:Ciidamo kawada tirsan Dowlada oo Muqdisho ku dagaalamay

Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya oo tan iyo shalay ku Muran uu ka dhxe jiray ayaa Maanta ku dagaalamay Aga gaarka Isgooyska Tarbuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa sida aan wararka ku helnay waxa uu la sheegay in uu salka ku hayo dhul aan ka fogeyn Isgooyska Tarbuunka,waxaana la tilmaamay in Ciidamo u abaabulan qaab qaabil oo difaacaya Dhulka iyo Ciidamo kale oo Nabad sugida ah uu halkaasi Dagaal kooban ku dhexmaray.

Dhanka kale Ciidamadan dagaalamay ayaa la sheegay in Eheladooa ay dagan yihiin guryaha jiindagaha ah ee ku yaala aagga Isgoyska Tarabuunka, waxaana Muranka dhulkooda soo bilowday khamiistii, balse shalay ayuu aad u xoogeystay, iyadoo maantana uu sababay Dagaal arintaasi ka dhalatay.

Goob Jooge ku sugna halka uu Dagaalka dhacay ayaa Warbaahinta Danan u sheegay in Dagaalka ay soo qaadeen Ciidamada Nabad sugida,islamarkaana waxa uu tilmaamay in uusan ogeen Karin Khasaaraha ka dhashay Dagaalka.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan