Home / WARARKA / Dhageyso:Guddoomiyaha D/Balambal oo beeniyay warar soo baxayay Maalmihii dambe

Dhageyso:Guddoomiyaha D/Balambal oo beeniyay warar soo baxayay Maalmihii dambe

Guddoomiyaha Degmada Balambal ee Gobolka Galgaduud Jaamac Xeyle Maxamed oo la hadlay Danan ayaa beeniyay Wararka sheegaya in Degmada Balambal ay gareen Rag ka tirsan Al-Shabaab,,islamarkana waxa uu uu tilmaamay in Idaacado ku yaala Muqdisho ay arimhaas ay wax ka weydiyeen,laakin waxa uu gabi ahaanba dafiray in Degmada Balambal ay jogaan Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa inta ku daray in Shacabka ku dhaqan Degmada Balambal aysan wali good arin wax Al-Shabaab la yiraah,waxa uuna hoosta ka xariiqay in marka ay maqlaan in Shabaab ay ka soo agdhawadaan Degmada Balambal ay Ciidamo u diri jireen Waligoodba,haddii ay yihiin Maamulka Degmada Balambal ee Gobolka Galgaduud.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Balambal Jaamac Ayaa tilmaamay inta Al-Shabaab ay ku sugan yihiin Dalka in waligood aysan imaan Degmada Balambal,islamarkaana Markasta ay arintaas ka foojigan yihiin haddey yihiin Maamulka Degmada Balambal ee ku yaala Galbeed Gobolka Galgaduud.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan