Dhageyso:Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in Heshiiska ay wada gareen Galmudug iyo Ahlu-suna in ay dhaqan giliyaan

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiska ay wada galeen Maamulada Galmudug iyo Ahlu-suna.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marka hore Madaxweynaha Galmudug iyo Sheekh Maxamed Shakir ku ammaanay sida ay u soo dharaan dharinayeen heshiiska iyo meesha ay hada ay soo gaarsiiyeen, wuxuuna ugu baaqay in la dhaqan geliyo heshiiska la gaaray.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in madaxweynaha galmudug axmed ducaale gelle xaaf uu iska leeyahay mudnaanta heshiiska dhex maray labada maamul maadaama uu asaga lahaa awood qeybsiga islamarkaana uusan madaxweyne ku xigeenka iyo waliba guddoomiyaha baarlamanka galmudug.

Ahlu-Sunna iyo Galmudug ayaa shalay gelinkii dambe heshiis rasmi ah oo ka kooban 14 qodob ku kala saxiixday madaxtooyadda Soomaaliya iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweyne Maxamed Farmaajo, iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda ee dowladda Federaalka.

Heshiiskan ayaa qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Sheekh Shaakir uu noqonayo Madaxa Xukuumada dowlad Goboleedka Galmudug iyadoo xilkaasi uu yahay mid aysan hore u lahayn maamul Goboleedyada dalka.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan