Muwaadin Soomaaliyeed oo Xukun lagu riday

0

Muwaadinkaan Soomaaliyeed ee Maxkmada dalka Kanada ay xukunka ku riday ayaa waxaa lagu Magacaabaa Cali Cumar Adeer waxaana loo heystaa afduubka Wariye Amanda Lindhout oo mudo 15 Bilood ah Afduub ahaan loogu heystay Gudaha Soomaaliya mudo hataan laga joogo 9-sano.

Cali Cumar Adeer oo 40 jir ah ayaa Maxkamadda Kanada waxa ay sheegtay in dembigaas lagu helay, balse isagu uu sheegay in uusan arrintaasi  waxba ka ogeyn sidoo kalena isla isaga uu afduubnaa.

Waxaana Maxkamada Kanada ay sheegtay in dacwadaan oo la dhageysanayay mudo 10 Cisho ah ugu dambeyn lagu xukumay xabsi daa’in ah balse la filayo in lagu dhawaaqo Sanadka soo socda ee 2018.

Amanda Linhout ayaa shalay oo Arbaco aheyd waxa ay Maxkamadda ka hor sheegtay iyada oo ilmeyneysa markii ay aragtay Cali Cumar Adeer in ay dhowr jeer la kulantay faraxumeyn, la garaacay, loona hanjabay, islamarkaana laga wareejiyay dhowr jeer goobtii afduub ahaanta loogu heystay.

Gabadhaasi wariyaha ah Hooyadeed iyo dadka reer Canada ayaa dhaqaale ay uruuriyeen Madax furasho loogu soo daayay.

9-sano kahor ayaa Gabadhan waxaa lagu afduubtay magaalada Muqdisho sanadkii 2008-dii, markaasi oo ay wada shaqeynayeen wariye Madax banaan, waxaana labadoodaba madax furashadii dhaqaalaha aheyd ee la uruuriyay lagu soo daayay sanadkii 2009-kii bishii November.