Dhageyso:Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo Shaaciyay Dhibaato heysta Garsoorayaasha Maxkamadaha Dalka

0

Ibraahim Idle Suleymaan oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa sheegay in Xiligaan Garsoorka Dalka ka jiro ay heysato Daruufo kala duwan,islamarkaana waxa uu hoosta ka xariiqay in taasi ay tahay in an weli la helin Cadaalad sidaas darteedna loo baahan yahay in Miisaaniyadda dowldda ay wax ka heleen Garsoorayaasha ha ahaadan kuwa Maxkamada sare iyo kuwa Maamul goboleedyda Dalka ka sheqeeya.

Dhanka kale Guddoomiyaha Maxkmadda Sare ee Dalka oo sii hadlyay ayaa tilmaamay in Xukuumaadda Soomaaliya uu ka dlabayo in Garsoorka lagu daro Miisaaniyadda Dowlada,madama sida uu tilmaamay in aysan ka gaabin doonin Raadinta xuquuqdoooda waxa uu intaas raaciyay in Rajo wanaagsan ka qabaan in dib loo sixi doono.

Guddoomiyaha maxkamadda Sare ee Dalka ayaa hadalkan ka sheegay Munaasabad Tababar Maanta loogu soo xirayay qaar ka mid ah Garsoorayaal ka kala socday Maamulada Hir-shabelle iyo Galmudug kaasi oo ay ka qeyb galeen xubno ka socday Dowlada Soomaaliya Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan