Madaxweyne ku Xigeenka Puntland oo beeniyay in Shaqaalaha D/Goboled Puntland aysan Mushaar qaadan

0

Madaxweyne ku Xigeenka Maamul Goboledka Puntland ENG:C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey oo Warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in Musuq Maasuqa ka Jira Puntland uu ka dashay Mushaar la,aanta Shaqaalaha Dowlad Goboledka Puntland kadib markii Sidaas uu sheegay Hanti dhowraha Maamulka Puntland.

Dhanka kale Madaxweyne ku Xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in Shaaqalaha uu Mushaarka ka daaho Laakin waxa uu ka soo horjeestay hadalka Hanti Dhowraha in aan Shaqaalaha uusan Mushaar helin.

Sidoo kale Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo Maamul Waanaga sii loogu hortago La dagaalanka Musuq Maasuqa ka Jira Puntland.