Diyaaradda B-1B ee Maraykanku waa awood la tusayo Kuuriyada Waqooyi

0

Ciidammada Maraykanka ayaa hawada Kuuriyada Koonfureed dul mariyay diyaaradaha bambooyinka rida ee B-1B arrintaas oo qayb ka ah dhoolatus baaxad leh oo loo arko digniin loo jeedinayo Kuuriyada Waqooyi.

Diyaaradaha B-1B Lancer ayaa loo ekaysiiyay sidii iyada oo duqaynaysa saldhig milatari.

Dhoola tuskan ayaa dhacaya toddobaad ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaal ay sheegatay in uu yahay mid cusub oo qaarad ka qaarad isaga kala gooshi kara, laguna duqayn karo Maraykanka gudahiisa.

Maraykanka ayaa mar hore daabulay diyaaradaha wax duqeeya isaga oo awooddiisa muujinaya ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaaallo iyo nukliyeeryo.

Milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in ay dhoola tuska ka wada qaybqaateen diyaaradahooda dagaalka iyo kuwa bambooyinka rida ee Maraykanka.

Dhoola tuskan wuxuu ka dhacay goob ka tirsan gobolka Gangwon oo 150km u jirta xadka Kuuriyada Koonfureed, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Yonhap oo soo xiganaysa milatariga.

In kabadan 200 oo diyaaradood iyo kumannaan askari ayaa ka qayb qaadanaya dhoolatuskan oo ku eg Jimcaha, waxaana la sii qorsheeyay intii Kuuriyada Waqooyi aysan tijaabinin gantaalkii u dambeeyay.

Kuuriyada Waqooyi oo si joogta ah Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ugu eedaysa in dhoolatusku uu yahay isu diyaarin dagaal ayaa midkan ugu dambeeya ku tilmaantay “daandaansi keeni kara dagaal hub nukliyeer ah la isu adeegsado” sida lagu sheegay war ay Isniintii baahisay warbaahinta dawladda.

Dhoolatuskan ayaa dhacaya iyadoo uu Pyongyang booqanayo Jeffrey Feltman oo ah madaxa siyaasadda ee Qaramada Midoobay, waana arrin naadir ah in uu wadahadal u tago Kuuriyada Waqooyi masuul ka tirsan Qaramada Midoobay.

Xiisadda ayaa aad u kacsan tan iyo markii ay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay gantaalka dhammaadkii bishii hore, taas oo horseeday cambaarayn caalami ah iyo digniin uu bixiyay Maraykanka oo uu ku sheegay in uu burburin doono Kuuriyada Waqooyi haddii uu dagaal qarxo.

Xigasho BBC.