Galmudug iyo Ahlu-suna oo la filayo in Shir Muqdisho uga furmo

0

Waxaa Maanta Gilinka Dambe la filaya in Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada uu shir uga furmo Madax ka kala socota Maamulada Galmudug iyo Ahlu-suna Waljamaaca sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Dhanka kale Shirkaan ayaa waxa la tilmaamay in uu daba socdo Shirkii Ahlu-Sunna iyo Galmudug ee Bishii April ka fashilmay ,waxaana ka qeybgelaya dhinacyadii Xilligaas ka qeybgelay shirkaasi.

Sidoo kale waxa la filaya in Shirkaan ay ka qeyb galayaan Xubno ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya sida Wasaaradda Arrimaha gudaha oo Goobjoog ka noqon doona,sida aan wararka ku helnay,iyadoo kor kala socon doonto arrimaha ay kuwada heshiyaan.

Marka laga soo tagay Shirka Maanta la fiayo in uu ka furmo Magaalada Muqdisho ayaa waxa Xusid mudan in dhawaan Madaxda ugu sareysa Ahlu-suna iyo Galmudug ay Dalka Jabuuti ku kala Saxiixdeen Heshiis kaas oo inta ka harsan lagu dhameystiri doono Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud Bartamaha Soomaaliya.