Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada Qaraxii ka dhacay Gaalkacyo iyo C/Puntland oo Howlgal ka bilaabay

0

Xili Saakay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Maamulka Puntland uu ku dhintay Qarax loogu xiray Gaarigiisa xili uu ku sii jeeday Shaqadiisa ayaa waxa la sheegay in Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland ay Bilaabeen Howlgal arintaas ku aadan.

Ciidamada ayaa sida aan Warar ku helnay waxa la tilmaamay in bilabeen Howlgal ay ku baadi gobayaan Ragii ka dambeyay qaraxa lagu dilay Sarkaal lagu Magacaabi jiray  Cali Ibraahim Cali ( Cali Magafe ), kaas oo sida la tilmaamay Markii Hore dhaawac loogu qaaday ISbitaalka laakin markii dambe halkaas ku geeriyooday.

Dhanka kale Kooxda Al-Shabaab ayaa War ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegen in qaraxaasi ay iyagu ka dambeeyeen isla markaana ay ku dileen taliye ka tirsan Ciidamada Booliiska Puntland.

Sidoo kale Xiriro aan la sameynay Maamulka Gobolka Mudug gaar ahaan dhanka Puntland ayaa inoo suura galin si aan arimahaas waxa uGu weydiiyo.