Faah Faahin Taliyihii Saldhigii Suuqa Gaalkacyo oo ku dhintay Qarax loogu Xiray Gaarigiisa

0

Sida Idaacadda Danan ee Magaalada Muqdisho ay u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegaya in Taliyihii Saldhigga Suuqa degmada Gaalkacyo Cali Ibraahim Cali  (Cali Magafe) u geeriyooday dhaawac saaka ka soo gaaray Qarax loogu xiray Gaari uu watay oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay dhabarka dambe ee Wadada marta Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo qaybta Puntland, ay Maamusho

Sidoo kale Cali Magafe, ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Booliska Puntland, xilliga la qarxinaayay Gaarigiisa ayaa wuxuu u sii socday goobtiisa shaqada.

Dhanka kale Goobta uu ka qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamada Maamulka Puntlnad,iyadoona la tilmaamay in Dhaawaca Sarkaalka ay u qadeen mid ka mid ah Isbitaalada ku yaala M/Gaalkacyo iyadoo Markii dambe la tilmaamay in Dhaawaca soo gaaray Sarkaal u u Geeriyooday.

Si kastaba ha ahaate inta badan ayaa waxa la sheegay in Qaraxda iyo Weerarada ka dhaca Gudaha Magaalada Gaalkacyo ay dambeeyaan Al-Shabaab.