Dhageyso:-Hogaamiyaha M/Goboledka Hir-shabeelle oo lagu Eedeeyay inuu is hor istaag ku sameeyay la dagaalanka Al-shabaab

0

Xildhibaan Maxamed C/Raxmaan Kheyre oo ka mid ah Xildhibaanada Maamul Goboledka Hir-shabeelle oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Danan ee Magaalada Muqdisho,ayaa waxa uu Edeen Kulul u jeediyay Maxamed Cabdi waare, Hogaamiyaha Maamulka Hir-shabeelle,isagoona ku Edeeyay in ka hor yimdi Hadalkii Madaxweyne Farmaajo, ee ahaa in laga Xureeyo Degaanada Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin Qaar ka mid ah Goboladda Dalka.

Dhanka kale Xildhibaan Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay in hadeey yihiin Xildhibaanada Hir-shabeelle ay Fariin u dirayaan Guddomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle,ayan ka codsanayaan in uu wax ka qabto Edeemaha ay u jeedinayaan Hogaamiyaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare kaa oo sida ay tilmaamen ku Fashilmay Hogaaminta Maamulka Hir-shabeelle sida uu hadalka u dhigay,Xildhibaan Maxamed C/Raxmaan Kheyre.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan