Dhageyso:-Qaabla loo Dhaqan Gelin karo qodobadii ay ku Heshiiyeen Galmudug Iyo Ahlusuna oo la soo bandhigay

0

Sheekh xasan maxamed Waxa uu ka mid yahay odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Dhexe Xili uu la hadlay idaacada Danan ee Magaalada Muqdisho ayuu soo dhaweeyay Wadahadalkii dalka Jabuuti ay ku wada qaateen Madaxda ilaafka uu u dhaxeeyo ee Galmudug iyo Ahlu-suna Waljamaaca.

Waxa uuna sheegay inay tahay arin wanaagsan oo loo baahnaa inay horay usameeyaan labadaasi dhinac oo in uda ah siyaasad ahaan iska soo hor jeeday asaga oo hoosta ka xa Riiqay in Dowlada Jabuuti ay ciyaartay door wanaagsan oo leyskugu keenay madax Soomaaliyeed oo isku xalin waayay Gudaha dalka.

Dhanka kale Sheekh Sasan Maxamed, ayaa faah faahin ka bixiyay sida loo dhaqan gelinkaro Qodobadii ay ku heshiiyeen Labada dhinac ee Ahlu-suna gaar ahaan kuwa labaxay Maamulka Gobolada Dhexe iyo Galmudug waxa uuna daboolka ka qaaday in cid walba oo ka qalinka ku duugta heshiiska looga baahanyhay inay is wey diiso waxa ku kalifalay inay shir uga qeyb galaan jabuuti isl;amarkaana cid walba ay ka fakirto masiirka Umadda soomaaliyeed.

Dhinacyada ku heshiiyay Dalka Jabuuti ayaa in muda ah isku Khilaafsanaa qaabka loo dhisay Maamulka Galmudug taasi oo keentay in Ahlu-suna madax ka mid ah ay dhankooda ku dhawaaqaan Maamul ka madax banana kan Galmudug balse Dowlada Jabuuti ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ku guuleysata xalinta Khilaafkii in muda ah soo jiitamayay hayeeshee waxaa isha lagu wada hayaa qaabka loom eel marin doono Qodobada lagu wada heshiiyay.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan