Dhageyso:Ciidanka Dowladda oo qabtay Nin xirnaa Xijaab & Indho-Shareer iyo Wasaaradda amniga oo faah faahisay

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xumuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay tan iyo Markii Qaraxii Zoobe ee dhacay 14 Octobar sheegay in ilaa iyo 54 ka tirsan Al-Shabaab ay isku soo dhibeen Dowlada Federaalka Soomaaliay.

Wasiirka ayaa Xusay in Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ay dhinacooda Gacanta ku soo dhigeen ilaa iyo 63 ka tirsan Al-Shabaab kadib markii Howlgal Ballaaran ay sameyeen.

Dhanka kale Wasiirka ayaa tibaaxay in Xalay Ciidamada Dowlada ay Howlgal ay ku soo qabteen Nin iska dhigayay Gabar oo Xirnaa Jalbaab iyo Indho Sharee,islamarkaana waxa uu tilmaamay in Shacabka ay u Mahad Ciliyaan Ciidamada Xoogga oo heegan ugu Jira sidii ay ugu hortagi laheyeen wax walbo oo lidi ku ah Amniga Magaalada Muqdisho iyo Goboladda Dalka.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan