Daawo:Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo ka beeniyay in Haween Jirkooda ka Ganacsada ay Degaanada Puntland Jogaan

0

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboledka Puntland Eng:Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar ayaa ka jawaabey hadal ka soo yeeray madaxda ugu sarraysa hayadda AIDS-ka ee PAC oo ku aadanaa inay joogaan dalka haween jirkooda ka ganacsada.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin haween iyo xarumo la ogyahay oo ka ganacsada jirkooda oo ku sugan Deegaamada Puntland,waxa uun tilmaamay in wixi doonaya Xaaran oo dhuumanaya aysan Dowlad Goboledka Puntland aysan qaban Karin.

Waxa uuna Madaxweyne ku Xigeenka ayaa Carabka ku dhuftay in Ciidamada Amaanka uu ku Amrayo in wixii Ganacsi ah ay gacanta ay ku dhigaan sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaaye dhawaan ayey aheyd markii Hay’adda PAC ay shaaca ka qaaday inay baaritaan ku samaysay haween jirkooda ka Ganacsada ku waasi oo muran badan ku abuurtay Bulshada ku Nool Degaanada Puntland.

Hoos ka Daawo Muqaalka Madaxweyne ku Xigeenka