Dhageyso:Diyaarad ku timid Cilad iyadoo Hawada ku jirtay oo laga warbixiyay waxa qabsaday

Xildhibaan Garaad Yuusuf oo ka tirsan Xildhibaanada Maamulka Galmudug oo la hadlay Danan, ayaa sheegay in Subaxnimadii hore ee Saakay Xili ay ka soo duleen Garoonka Diyaaradaha ee Jooma Kenyaata ana ku soo wajahnayeen Magaalada Muqdisho ay Cilad ku timid Diyaaradii ay sarnayeen,islamarkaana ayaga oo Nabad qaba dil loogu Celiyay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in Diyaarada Xiliga ay Cilada ay ku timid ay Hawada ay ku jireen oo kaliya Daqiiqado aan ka badneen 12 ama 15 Daqiiqo,waxa uuna tibaaxay Markii Cilada ay Diyaarada ay ku timid uu Wadihii Diyaarada uu ku wargiliyay in ay dib ugu labayaan Garoonka Jooma Kenyaata,islamarkaana ay Hadda ay ku sugan yihiin halkaasi,islamarkaana waxa uu tilmaamay in ka warsugayaan in Diyaarada in ay ku baxayaan ama in ay ku labanayaan Magaalada Nairobi.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan