Dhageyso:Wadayaasha Gawaarida Xaamulka qaada oo ka cabanaya dhibaato xooggan oo soo wajahday

Dadka shacabka ah iyo Wadayaasha gaadiidka ee ka shaqeeya Wadada isku xerta muqdisho ilaa iyo dagmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelle dhexe ayaa ka cabanaya is baarooyin hor leh oo halkaasi la soo dhigay islamarkaana lagu dhibaateeyo shacabka wadadaasi isticmaala iyo wadayaasha gaadiidka dadweynaha.

Guddoomiyaha Iskaashatada Gaadiidleyda Dagmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Xaaji Jeelle Maxamuud oo la hadlay Danan ayaa si toos ah u sheegay in ay sii kor dheen isboorooyinkii yaalay Wadada visku xerta gobolka Banaadir iyo Shabeellaha Dhexe Waxa uuna xusay in halis ay ku jirto nolosha dad farabadan hadii aan arintaasi waxlaga qaban.

Dhanka kale Gudoomiyaha iskaashatada gaadiidleyda dagmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Xaaji Jeelle Maxamuud ayaa shaaciyay in raga ay jid gooyooyinka uyaalaan ay yihiin askar ka tirsan dowladasomaliya sidauu hadalka udhigay.

Si kastaba ha ahaatee Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka dadweynaha oo aan la hadalnay ayaa sheegay inay qarka usaaranyihiin guud ahaan inay joojiyaan shaqooyinkii ay hayeen hadii aan arintan waxlaga qaban.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan