Dhageyso:Ragii ka dambeeyay qaraxii Isgooyska Zoobe oo la soo bandhigay (Sawirro)

Qarixii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada muqdisho waxaa ka soo wareegatay mudo Biul ah iaydoo intaasi ka dib dowlada somaliya looga fadhiyay inay shaaciso waxa ka soo baxay baaritaanadii lagu sameeyay qaraxaasi iyo dadkii loo qab qabtay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay muddo bil ah kadib shaacisay magacyada iyo shakhsiyaadka loo qabtay Qaraxii 14-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka wasaarada Warfaahinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay Qaraxii Zoobe in loo hayo ilaa Shan nin oo la rumeysan yahay in ay ku lug leeyihiin falkaasi, kadib baaritaano dheeraad ah oo ay sameeyeen Hay’adaha ammaanka.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay magacyada iyo Sawirada Dowladdu ay soo bandhigtay inuu ku jiro shaqsigii isku Qarxiyay isgoyska Zoobe ee kaxeynayay Gaarigii TM-ka ahaa.

Dadka Qaraxii Zoobe loo qabtay ayaa waxa ay kala yihiin:-

1.Mukhtaar Maxamuud Xasan Gardhuub,

2.C/wali Axmed Diiriye (C/qani) oo ahaa Madaxa Qaraxyada Gobolka Banaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado.

3.Xasan Aadan Isaaq oo ahaa Darawalkii Gaariga NOAH-da, ahaana isku xirihii weerarkii Zoobe, inta uusan wareejin NOAH-da ayaa la qabtay.

4.Cali Yuusuf Waceys (Ducaale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyay inuu NOAH-da isku Qarxiyo.

5.C/laahi Cabdi Warsame, iyada oo ugu dambeyn Darawalkii ka xeynayay Gaarigii TM-ka ahaa ee Zoobe ku Qarxay lagu magacaabi jiray Maadey (Cusmaan Xaaji).

In ka badan sexed boqol oo qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qarixii zoobe tiro intaasi ka badana wey ku dhawacmeen kuwaasi oo wali ku jira isbitaalada qaar Eek u yaala magaaladamuqdisho.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan

Sawirrada