Home / WARARKA / Dhageyso:Xildhibaan ka tirsan Konfur Galbeed oo beeniyay wax Mooshin ah laga keenay Sharaiif Xasan

Dhageyso:Xildhibaan ka tirsan Konfur Galbeed oo beeniyay wax Mooshin ah laga keenay Sharaiif Xasan

Xasan Macalin Yuusuf Balak oo ka mid ah Xildhibaan Maamulka Konfur Galbeed,oo la hadlay Danan, ayaa sheegay in Mooshinka sidiisaba la dhaho markii ay is qoraan Xildhibaan badankooda,oo waliba si Dastuur ah,ay sababeeyo waxyaba ka soo horjeedaan,islamarkaana ay u gudbiyaan Guddoonka Baarlamaanka lana mudooyo ay tahay sidaas Mooshinka saxda ah sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in aysan jirin wax Xildhibaano ah oo ka tirsan Maamulka Konfur Galbeed oo Hogaamiyaha Maamulka Konfur Galbeed Shariif Xasan, uu ku yiri Mooshin igadaa ama ii dhereeya aysanba jiran,waxa uuna tilmaamay in Mooshinka ay Xildhibaanada ay keenen,islamaraakana uu furay yahay Hoolka Baarlamaanka laguna kala bixi karo haddii Mooshin la keeno.

Sidoo kale Xildhibaan Balak ayaa tibaaxay in Konfur Galbeed uusan yaalin wax Mooshin ah,uuna xaqiijinayo wax Mooshin wali aan la keenin Konfur Galbeed,Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in Hogaamiyaha Maamulka Konfur Galbeed Shariif Xasan ay u dhiman tahay ilaa iyo Mudo Sanad ah,laakin markii ay Lix bilood ay dhamaato lagalayo Loolan sida uu hadalka dhigay.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan