Dhageyso:Faah Faahin:-ka soo baxeysa Khasaaraha ka dhashay qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM

Waxa Goordhaw qarax Miinada Nuuca dhulka lagu aaso lala eegtay Kolanyo Ciidamada AMISOM ay lee yihiin oo marayay Wadada isku xirta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degaanka Weedoow ee Duleedka Muqdisho.

Wariye Siyad Axmed oo ka tirsan Howlwadeenada Danan ayaa sheegay in Qaraxa uu haleeyay Gaari ay wadteen Ciidanka AMISOM,oo marayay Wadada isku xirta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degaanka Weedoow ee Duleedka Muqdisho,waxa uuna tilmaamay in at ku dhawacmeen ilaa iyo Saddax Askari oo ka tirsan Ciidamada AMiSOM,sidoo kalana ay ku dhawacmeen ilaa iyo 4 Ruux oo shacab ah oo joogay meel aan ka fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo tilmaamay in waxyeelo xoogan uu soo gaarsiyay qaraxaasi.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay Wariye Siyad Axmed in Goobta qaraxa ku dhacay ay soo gareen Gawaarida gargaarka deg dega ah,iyo sidoo kale Ciidamo ka tirsan Dowlada gaar ahaan kuwa Nabadsugida,waxa uu tibaaxay in ay baaritaano ay kawadaan goobta uu qaraxa ka dhacay.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan