Dhageyso:-Askari ka tirsan Ciidanka Dowlada oo Madaxda Dalka ka codsaday in uu helo Cadaalad Xili dhibaato ay soo wajahday

Askari ka tirsan Ciidanka Milatariga ee Dowlada Soomaaliya oo ka howlgala Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,oo la soo Xiriiray Danan ayaa sheegay in uu ka cabanayo in asigo oo gudanaya Waajibaadkiisa shaqo uu Xili laamaha Amniga M/Baladweyne uu ku soo wargiliyay in Miino Nuuca dhulka lagu aaso in ay taalo uu soo sheegay,islamarkaana markii la ogaaday asigo in uu soo sheegay aan waxba la weydiinin Xabsiga loo taaxay,waxa uuna tibaaxay in Xuquuqdiisa Askarinimo lagu tuntay oo aan ilaa iyo hadda uusan helin Wax Cadaalad ah,waxa uuna ku taagsaday in horay Madaxweyne Farmaajo uu uGu dhawaaqay in Askarigii waxas soo qabta uu Helayo Darajo,laakin dhibtaadan uu filaneynin sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in lagu Edeeyay in uu asiga ka dambeeyay in Qaraxaas uu asiga waday,islamarkaana asigo wax cadeeyn ah lagu heynin uu Xabsiga uu ku jiro Mudo 2 Bilood ah,waxa uuna tilmaamay in haddii arintaas cadeyn loo keeno in uu qabo Xita lagu toogto,laakin marka hore inuu helo Cadaalad.

Ugu dambeyntii Askariga dhibanaha ah ayaa tilmaamay in xita Ragii ku edeeyay in qaraxa uu waday asiga markii ay wax Cadeyn ah waayeen ay ka kala dhuunteen,waxa uuna baaq u diray Madaxda Dowlada uGu sareeysa iyo Saraakisha Ciidanka qalabka sida in arintiisa ay soo fara giliyaan.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan