Home / WARARKA / Sheekh Umal iyo Culimaa’udiin kale oo Goor dhow ka soo gaaray M/Muqdisho (Sawirro)

Sheekh Umal iyo Culimaa’udiin kale oo Goor dhow ka soo gaaray M/Muqdisho (Sawirro)

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray Culma’udiin uu hoggaaminayo Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed kuwaas oo ka yimid dalka Kenya,waxaana Garoomka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xubno ka tirsan Maamulka gobolka Banadir iyo Gudiga Gurmadka Qaran.

Ujeedka Wafdiga ayaa waxa lagu sheegay in ay sidii u waareejin lahayeen lacag ay kaga qeyb qaadanayaan Gurmadka loo fidinayo Dhibanayaashii Weerarkii Zoobe.