Dhageyso:Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Maanta Xildhibanada Aqalka Sare hortagay

Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Dalka ayaa Maanta Xaruntooda Muqdisho,waxa ay yesheen kalfadhiga labaad,iyo kal fadhigiisi 16-aad,kaa oo uu Shir gudoominayay Guddoomiye ku Xigeenka Kowaad ee Xildhibaanada Aqalka ee Dalka,Anshir Bukhaari.

Kulanka Xildhibaanada aqalka Sare Dalka ayaa Maanta waxa horimaaday Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada dhulka iyo Cirka Maxamed C/Laahi Salaad Omaar,iyadoona ay soo xadireen inta Badan Xildhibaanada Aqalka Sare ee Dalka.

Wariye Yuusuf Maxamed Axmed (Saxafiyare) oo kulanka inooga qeyb galay kulanka ayaa sheegay in inta badan Xildhibaanada Maanta ay Su”aalo ku aadan waxqabadka Wasaaradiisa ay weydiyeen Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada dhulka iyo Cirka,Maxamed Cali Salaad Omar.

Wariye Yuusuf ayaa tilmaamay in Wasiirka uu ka warbixiyay Waxqabadkiisa,islamarkaana uu Wasiirka uu sheegay in Dowlada Soomaaliya ay dhawaan la soo wareegi doonto Hawada Soomaaliya,waxana uuna tibaaxay Wasiirka in Dowlada Soomaaliya ay Sanadka 2018-ka ku rajo weyn tahay in Hawada Soomaaliya ay la soo wareegto.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Wariye Saxafiyare

Riix Halkan