Home / QORMOOYIN / Ogow Kani Waa Boqor Soomaali.

Ogow Kani Waa Boqor Soomaali.

Dunidan is badaleysa iyo isku Mindiya lisadka  Boqoradii Khaliijkee shalay bahwadaagta ahaa isagu maba oga  hase ahaatee wuxuu og yahay in uu yahay Boqor Soomaali oo waxaan taas aheyn kama dageyso Labtiisa  waana mid uu firfircooni ka qaadayo marka Boqortooyadiisa lagu dhawaaqo Magaceeda., Boqor Soomaali

Wuxuu moog yahay wadanka uu kuu nool yahay ee carbeed gaar ahaan Boqortooyadan Khaliijiga ah in ay Dalkiisa ku cadaadineyso in uu iyaga soo raaco oo uu la safto tusana in uu ka danbeeyo oo ay ku tashadaan una go`aan gaaraan wadanka  Boqor Soomaali ku abtirsado,  iyagoo badalkeeda siinaya waxaan badneyn oo dhaqaale ah  inkastoo hadey doonaana uga baxayaan balanta.

Boqor Soomaali wuxuu aqoonsan yahay Boqortooyada uu ku dhex nool yahay Boqorkeeda iyo muuqaalada dhaxal sugayaasha sida  Sawirada Amiirada dabayaal  oo xitaa  magacayada wuu ku dhawaaqi karaa marka la tuso Muuqooda  lakiin Boqorkaa ma oga in Boqor Soomaali ku dhex nool yahay Dalkiisa  iskuna heysto in uu yahay Boqor.

Boqorada khaliijka baratanka ayey ugu jiraan in ay Dalka Boqor Soomaali Mowqifkooda  dhexdhaxaadnimada  ka badalaan iyagoo  maraya heer ah  in ay hanti badan galiyaan Madaxda Maamul Goboleedyada si dowlada dhexe cadaadis ugu  saaraan ka laabashada go`aankaa iyagoo sidoo kale Xilibaanada labada aqal qaar kamida aad ula showray si ay ugu tira badsadaan raaciyadooda waana mida la arkayo dadaftooda iyo ka fikir la`aanta Sharafta Dalkooda, lakiin midaasi Boqor soomaali ma oga, malaheygana maba yeeleen haduu fahmi lahaa ama awoodeeda gaari lahaa inkastoo uu ka adag yahay in marka qof uu rabo in uu sasabo oo uu cunta siiyo ama seexiyo  uu qofkaa ku qasban yahay in uu ugu  yeero Boqor Soomaali xitaa anigan qormadan ka qoraya mar aan la kulmay ayuu si sahala  iigu sheegay in uu yahay  Boqor Soomaali.

Dalkiisa waa sabool Boqor Soomaali inkastoo shidaal leeyahay  hadana sidaas looguma sheego Shacabka Soomaaliyeed  xadiga shidaal ee dalkooda  leeyahay iyo waqtiga ugu dhaqsiyaha badan ee looga soo saari karo iyadoo macaadinta kala ceynka ah ee Dalkiisu Qaniga ku yahayna   aan sidaa faah faahin weyn looga heyn aadna loo qariyo, waana mida kaliya ee laga hortaagan yahay in Shacabkiisu ogaadaan si ay ugu deg dagaan xasiloonida isagana daayaan Daaalka,Qabyaalada, Tahriibka iyo  ku le`ashada Badaha.

Boqorada Khaliijiyiinta mid ayeysan moogeyn waana mida ah in boqortooyadan Soomaaliyeed ay yihiin kuwa Hodan ah oo Hanti  maguurto ah leh mar ay ahaatana xiran doona Cigaal iyo Qabisya cad cad iyagoo si damaashaad ah ugu tartamidoona Fardaha iyo Geela qofkatana xiiseyn doono yeelashada Shinbirka Galeyrka si uu ugu ugaarsi tago hase ahaatee haatan  maankooda ayaa la qasayaa si aysan u muuqan kartidooda iyo hodan tinimadooda, waana mida cadowgeena ka mideysan yahay in aan qeyraadkeena nala tusin.

Boqor Soomaali wali taas uma caqliyeysan wuxuu og yahayna waa in heybadiisa boqoreed lagu dhawaaqo  waana mida  Islaanta Reerka ushaqeysa ee Qaxootinimada qadyaanka ka taagan ay aad ugu qiirootay sheegashadiisa Boqoreed  iyadoo Sabigan ku  kool koolisa kuna heyso dhul .Boqor Carbeed ka taliyo hadane marka uu amarkeeda diido waxa ay usheegtaa in uusan Boqor Soomaali aheyn  isagana markiiba waa uu difaacdaa heybadiisa wuxuuna xusuustaa boqorada kale  isagoo ku jawaab celiya ficil ah fulinta sida  Ayeeydan rabto si uu  u muujyo in uu yahay Boqor Soomaali ee ogow kani waa Boqor Soomaali.

Qore: Maxamed Deeq Barre (Fiyoore)

Email: fiyoore@hotmail.com