Home / WARARKA / Maxa ka jira Maanta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ?

Maxa ka jira Maanta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ?

Wararka inaga soo gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa sheegaya in Dekedda Boosaaso aysan weli si rasmi ah u howlgelin kadib cabasho ay maalmihii ugu dambeeyey muujinayeen ganacsatada ka shaqeystada Dekada Magaalada Boosaaso.

Mas”uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in dowladdu aysan dhaqaale canshuur, dheeraad ah ku soo Roggin Dekedda Boosaaso, waxaana ay ganacsatada ugu baaqeen inay shaqadooda wataan.

Si kastaba ha ahaate Dhawaan ayey ahayd markii dowlad Goboledka Puntland ay maamulka Dekedda Boosaaso si rasmi ah ugu wareejisey shirkadda DPW ee laga lee yahay Dalka Imaaraadka Carabta oo ballaarin ku samayn doonta Dekedda Magaalada Boosaaso si looga dhigo mid Caalami ah.