Home / WARARKA / Dhageyso:Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay kulanka uu la qaaday Dhiggiisa Dalka Jabuuti (Sawirro)

Dhageyso:Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay kulanka uu la qaaday Dhiggiisa Dalka Jabuuti (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku maraya qaar ka mid ah wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa Magaalada Jabuuti waxa uu kulan kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Jamhuuriayadda Federaalka  Soomaaliya ayaa dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kulan gaar ah la qaatay, iyagoo si qoto dheer uga hadlay xiriirka walaaltinimmo ee labada dal iyo kaalinta Jabuuti ay ka qaadaneyso dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Geelle kaalinta uu ka geysto nabadeynta iyo dib u kabashada Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay mar walba u garab taaganyihiin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kulanka uu la qaatay waxa ay isku afgarteen Kooxda Al-Shabaab ay uGu cirib tiralaheeyn Gudaha Dalka Soomaaliya iyo sidoo kale waxa ay isku kuwad heshiyeen in Xiriirka Walaaltinimo ee ka dhaxeeya Dowlada Jabuuti iyo Dowlada Soomaaliya uu u sii xoogeysan lahaa.

Hoos ka Dhageyso Codka Farmaajo

Riix Halkan

Sawirro